Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo qaabilay Danjiraha dowladda Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, iyada oo kulanka looga hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarinta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa  Danjiraha  la wadaagay dhambaal tacsi rasmi ah oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u direyso Dowladda iyo shacabka walaalaha Qatar, kaddib shil gaari oo naxdin leh oo ka dhacay dalka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, kaas oo sababay geerida saddex muwaadin oo u dhashay Qatar iyo dhaawaca qaar kale.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay Dowladda iyo shacabka aannu walaalaha nahay ee Qatar, uga tacsiyeyneysaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timid muwaadiniin u dhashay dalkaas oo ku geeriyooday shil gaari oo saaka ka dhacay meel ku dhow magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar. Waxaan alle uga rajeynayaa in uu u naxariisto intii dhimatay, kuwa dhaawaca ahna uu bogsiimo degdeg ah siiyo.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay sida Soomaaliya ay mar kasta ugu garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Qatar, isaga oo ku ammaanay kaalinta muuqata ee ay Qatar ka qaataan taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dalkeenna .