Ra’iisul Wasaaraha Xamsa oo Daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA)
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ee (NIRA), kaas oo sanadkan diiradda lagu saarayo horumarinta iyo casriyeynta adeegga muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay isku xirka Aqoonsiga Qaranka iyo helitaanka adeegyada asaasiga ah in uu yahay tiir muhiim u ah dowladnimada casriga ah, saldhigna u yahay Qorshaha Isbeddelka Qarank iyo Hiigsiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda 2060-ka, ee dalka u horseedaya Soomaaliya xasilloon, amni ah, isla markaana gaarta barwaaqo waarta.
“Waxaan ku faanaynaa in dadkeennu, oo badankoodu dhallinyaro yihiin, ay maanta fahmeen muhiimadda nidaamka dowlad-dhiska, oo uu qeyb muhiim ah ka yahay Aqoonsiga Qaranka. Waxaan ku bogaadinayaa dhammaan dadka ka qayb qaadanaya dadaallada horumarinta nidaamkaan casriga ah,” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay Ra’iisul Wasaaruhu in dhammaan hey’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee bixiya adeegyada bulshada ay waajib ku tahay in qofka ay u adeegayaan uu haysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo xaqiijiyo sugnaanta xogta.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa ku ammaanay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada, fahamka nidaamka casriga ah, taas oo muujinaysa in shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan dowad-dhisidda iyo horumarka dalka, isaga oo sidoo kale uga mahadceliyey howladeennada iyo maamulka hey’adda NIRA shaqada culus ee ay ku qabteen muddada kooban.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Cali, isna madasha ka hadlay ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Kaarka Aqoonsiga ka sokoor lasoo kordhin doono Nidaamka Diiwaangelinta Madaniga ah, gaar ahaan marxaladaha muhiimka u ah nolosha muwaadinka sida dhalashada, dhimashada, guurka iyo furriinka.
— DHAMMAAD —
Cabdinaasir Axmed Bashiir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
E-mail media@opm.gov.so
Tell +252771770958