Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar u fadhiya Soomaaliya Mohamed Salah Hassan Keshtah iyaga oo ka wada hadlay  xoojinta xiriirka iyo iskaashiga  labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Masar ayaa ka wada hadlay kor u qaadidda iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, iyo howlaha horumarineed ee labada dowladood ka dhexeeya,  waxaana si gaar ah loo xusay sida Soomaaliya iyo Masar ay u wadaagaan xiriir taariikhi ah oo qoto dheer.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyey Dowladda Masar doorka ay ku leedahay taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka waxbarashada iyo dhismaha awoodda hay’adaha dowliga ah.

Dhankiisa, Safiirka Masar ayaa muujiyey sida ay dowladda Masar uga go’an tahay in ay sii ballaariso taageerada ay u hayso Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyey in Masar ay diyaar u tahay in ay kordhiso mashaariicda horumarineed iyo iskaashiga farsamo ee ay la leedahay Soomaaliya.

— DHAMMAAD —