Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

WARBIXIN: KAARKA AQOONSIGA QARANKA EE NIRA

Shirweynihii Labaad ee Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha ee (NIRA), ayaa toddobaadkan ku soo gebogaboobay magaalada Muqdisho , waxaana si rasmi ah u daah-furay Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyada oo uu soo xiray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Ka qeybgalka madaxda dalka ugu sareysa ee shirweynahan ayaa ka tarjumaysa muhiimadda weyn ee uu leeyahay kaarka Aqoonsiga Qaranka iyo kaalinta uu kaga beegan yahay dedaallada dowlad-dhiska ah ee socda.

Shirkan oo sanadkan diiradda lagu saaray horumarada iyo guulaha ay gaartay Hey’adda NIRA,  ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay Qorshaha Horumarinta ee hey’adda, kaas oo ujeedkiisu yahay in dalka oo dhan laga hirgeliyo Aqoonsiga Qaranka.

Aqoonsi Qaran oo lagu dul-qotomiyay xeer-nidaamiye, waafaqsan dastuurka, haysta aqbalaadda bulshada inteeda badan, la adkeeyay amniga xogtiisa, lehna sugnaansho la isku halayn karo, ayaa ah mid ka mid ah hadafyada waaweyn ee xukuumadda DanQaran Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, kuna cad qorshaha Isbadelka Qaranka ee NTP iyo Hiigsiga Madaxweynaha ee 2060-ka.

Hey’adda NIRA waxaa lagu asaasay xeerka Nambar 009 ee Maarso, 2023 oo uu meel-mariyey Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Haddaba, intii la bilaabay diiwaangalinta dadka iyo bixinta kaararka Aqoonsiga ee Hey’adda NIRA, guulaha la xaqiijiyay waxaa ka mid ah kuwa soo socda;

1. Ballaarinta Adeegyada: Intii ay jirtay Hey’adda NIRA waxa ay ku guuleysatay in ay xarumo ka furato inta badan gobollada dalka, gaar ahaan Maamul-goboleedyada Galmudug, Hirshabelle , Koofur Galbeed iyo Waqooyi Galbeed.

2.⁠ ⁠Diiwaangelinta Muwaadiniinta: Waxaa la diiwaangeliyey tiradii ugu badneyd ee muwaadiniin ah, kuwaas oo gaaraya hal milyan oo qof.

3.⁠ ⁠Shaqo Abuur: Hey’addu waxa ay shaqaaleysiisay tiro badan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ka howl-gala xarumaha gobollada iyo magaalada Muqdisho.

4.⁠ ⁠Fududeynta Kaarka Aqoonsiga: NIRA waxa ay adeegga kaarka aqoonsiga gaarsiisay xarumaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay, taas oo qayb ka ah fududeynta helitaanka adeegga.

Faa’iidada Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xmasa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirweynaha, ayaa xusay in Kaarka Aqoonsiga NIRA uu muhiim u yahay:

• ⁠ ⁠Helitaanka adeegyada dowladda;

• ⁠ ⁠Adkeynta iyo xaqiijinta amniga dalka;

• ⁠ ⁠In kaarka aqoonsigu noqdo caddeyn rasmi ah oo qeexaysa muwaadinka Soomaaliyeed.

• ⁠ ⁠In uu xaqiijinayo gobonimadda qarameed ee xagga dijitaalka.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ugu baaqay muwaadiniinta aan weli is-diiwaangelin in ay si degdeg ah u qaataan kaarka aqoonsiga, iyada oo hadda kaarkan ay ku xiranyihiin 9 adeeg oo uu ka midyahay qaadashada baasaboorka , furashada sanduuq bangi, qaadashada shatiyada gacamsiga,

adeegyada caafimaadka iyo kuwa kale.

Aqoonsiga iyo Qorshaha Isbadelka Qaranka (NTP)

Aqoonsiga Qaranka waa tiir muhiim u ah dowladnimada casriga ah, wuxuuna muwaadinka u sahlayaa helitaanka adeegyada aasaasiga ah ee dowliga ah. Sidoo kale, wuxuu qayb muhiim ah ka yahay Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo Hiigsiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee 2060, kaas oo lagu doonayo in Soomaaliya ay noqoto dal xasilloon, amni ah oo gaara horumar waara.

Tirakoobyada Muhiimka

Sida ay sheegtay NIRA, 85% shacabka Soomaaliyeed ma haystaan aqoonsi rasmi ah oo lagu hubin karo sugnaanshaha qofka iyo xogtiisa. Hiigsiga waxa uu yahay in muddo kooban gudaheed lagu diiwaangaliyo wax ka badan 10 milyan oo qof.

Hadda waxaa la diiwaangaliyay wax ka badan hal milyan oo qof , iyada oo kaarka uu gaaray 11 gobol oo dalka ka mid ah, taas oo ah tiro kala bar ka badan gobollada dalka.

Dadka ku dhaqan meelaha uusan weli kaarka gaarin ayaa caasimadda iyo meelaha kale ee ka dhow u doonanaya kaarka, iyada oo xarumaha qaar lagu arko safaf dhaadheer oo ay dadka u galayaan qaadashada kaarka.

Wax ka badan 500 dhallinyaro ah aqoonyahanno ah oo si heersare ah loo tabobaray ayaa laga shaqaalaysiiyay Hey’adda NIRA, tan oo qeyb ka ah shaqo abuurka dowladda.

Hirgalinta kaarkan waxa uu horseed u noqon doonaa qorshaha weyn ee dowladnimada danabaysan ee xukuumadda ku hawlantahay, taas oo muwaadhiniinta u sahlaysa in adeegyada muhiimka ah ay ka dalban karaan internetka si loo fududeeyo adeeg bixinta.

Gunaanad

Kaarka NIRA kaliya ma ahan aqoonsi muwaadinnimo oo caddaynaysa sugnaanshaha qofka iyo Soomaalinimadiisa, ee sidoo kale waa fure muhiim ah oo shacabka siin doona fursado loo simanyahay ee xagga adeegyada dowladda, iyo sidoo kale quful adag oo ka hortagi doona amni darrada, dhaca xeeladaysan, musuqa iyo waxyaabo kale.