Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Magacaabay Wasiiro Cusub.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabd Barre ayaa Wareegto ku magacaabay Wasiirada kala ah Ambassador Jamaal Maxamed Xasan oo loo magacaabay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, iyo Sanatar Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo isna loo magacaabay Wasiirka Howlaha guud iyo Dib u dhiska.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray xubnaha Wasiirada Cusub in ay dardar galiyaan Shaqada culus ee hortaala isla markaana ay Wasaaradahaas ku hoggaamiyaan hormar.