Kulan wadatashi iyo qiimeyn heer sare ah oo lagu sameeyay Qabyo-Qoraalka Qaab-dhismeedka Qaran oo maanta la qabtay
Muqdisho, 15, December, 2025” Maanta waxaa la qabtay kulan wadatashi iyo qiimeyn heer sare ah oo lagu sameeyay Qabyo-Qoraalka Hordhaca ah (Zero Draft) ee Qaab-dhismeedka Qaran ee Isku-xirka iyo Isku-duwidda Dhijitaalka (NDCF), kaas oo ay ka qeybgaleen wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda ee ay khusayso.
Kulankan ayaa ujeeddadiisu ahayd in la helo aragti mideysan oo ku saabsan sida la isuggu dubbaridi karo nidaamyada dhijitaalka ee dowladda, loogana hortagi karo hirgelinta nidaamyo gooni-gooni ah oo aan is-la jaanqaadi karin.
Sidookale Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay muhiimada isku-xirka nidaamyada (interoperability), maamulka xogta, amniga cyber-ka, iyo doorka aqoonsiga dhijitaalka ee horumarinta adeegyada dowladda. Natiijooyinka ka soo baxay wadatashigan ayaa gacan ka geysan doona dhameystirka Qabyo-Qoraal midaysan oo hagaya hirgelinta Dawladnimada Danabeysam, korna u qaadaya hufnaanta, isla-xisaabtanka, iyo tayada adeegyada loo fidiyo muwaadiniinta.
Kulankan wuxuu qeyb muhiim ah ka yahay dadaallada Xukuumadda Adan Qaran ee lagu dhisayo adeegyo dhijitaal ah oo isku-xiran, ammaan ah, hormarsan isla markaana si wax ku ool ah uga jawaabaya baahiyaha bulshada, kaasoo sidoo kale saldhig u noqonaya hirgelinta istaraatiijiyadda qaran ee Dawladnimada Danabeysan iyo isbeddelka dhijitaalka ee dalka.
DHAMMAAD.





