Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo xilka u kala wareejiyey Wasiirka Cusub ee Ganacsiga iyo Wasiirkii hore

Muqdisho,16 December, 2025:-  Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo Wasiirkii hore mudane Maxamuud Axmad Aadan.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa kula dardaarmay Wasiirka Cusub, in uu la yimaado, hufnaan shaaqo, isaga oo Alle uga baryay inuu u fufudeeyo Masuuliyadiisa, dhanka kalena waxaa uu ku amaanay Wasiirkii hore shaqadii wanaagsaneed ee uu soo qabtay Muddadii uu Joogay Wasaaradda.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Waaaaradda Ganacsiga ay kamid tahay Wasaaradaha hal-boolaha u ah dalka, waxaana uu hoosta ka xariiqay in Xukuumadda DanQaran ay ka go,antahay sidii Dalkaan Warshadihii uu lahaa dib loogu soo celin lahaa.

DHAMAAD

Cabdinaasir Axmed Bashiir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, XRW
E-mail: media@opm.gov.so
Tel: +252 771 770 958
Bogagga Rasmiga ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha:
Facebook: https://www.facebook.com/OPMSomalia
X (Twitter): https://x.com/somalipm
Flickr: https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/
Instagram: https://www.instagram.com/opmsomalia
YouTube: https://www.youtube.com/@opmsomalia9471
Website: https://www.opm.gov.so