๐๐’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐, ๐จ๐จ ๐๐ก๐๐ ๐๐ฑ ๐๐ก๐ข๐ ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐๐ฆ๐๐ก๐ ๐ฑ๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐ก๐๐ฑ๐ ๐๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐ ๐
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo laga hirgelin doono dhisme casri ah oo beddelaya xaruntii qadiimiga ahayd ee la dhisay sanadkii 1980, ujeedkana yahay in dhismaha cusub daboolo baahiyaha iyo waajibaadka wasaaradda.
Raโiisul Wasaaraha, ayaa xusay in tallaabadani ay ka mid tahay siyaasadda Xukuumadda DanQaran ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha dalka, laguna xoojinayo hayโadaha dowliga ah, isaga oo tilmaamay in dhisamahan uu qeyb weyn ka qaadanayo fududeynta howlaha shaqo ee wasaaraddani ay u hayso bulshada Soomaaliyeed ayna yarayn doonto culayskii ka jiray dhanka xafiisyada iyo rugaha shaqada ee wasaaradda.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay tahay halbowlaha dhaqaalaha iyo horumarka dalka, wuxuunna bogaadiyay dadaalka Wasiirka Mudane Biixi Iimaan Cige iyo bahda wasaaradda ee ku aaddan casriyeynta iyo dib-u-habaynta kaabeyaasha dakhliga dalka.
โWaxa aan ku faraxsanahay in maanta aynu dhagax-dhigayno xarun dhexe oo weyn oo badqabkeeda iyo tayadeda la hubiyey si fiicaanna loo qalabeeyay, dhisamahan marka uu dhammaado waxa aad yeellan doontaan xafiisyo ay ku howlgali doonaan dhammaan shaqaalaha iyo madaxda wasaaradda, waanna idiinku hambalyeynaya tallaabada wanaagsan ee aad u qaadeen dhanka tayeynta adeeggaโ. Ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa diyaarisay naqshad casri ah oo ka tarjumaysa xafiisyada la dhisi doono iyo sida loo hubiyey badqabka deegaanka iyo korontada, waxaanna ka qeyb qaadanaya dhisamaha xarunta cusub Bangiga Horumarinta Afrika, oo door muhiim ah ka qaadata horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalkeenna.
– DHAMMAAD –