Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Kulan Afur ah La Qaatay Shaqaalaha Xafiiska, Uguna Baaqay Gurmadka Dadka Abaaraha Saameeyeen

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan afur ah la qaatay mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ku dhiirrigaliyey dadaalkooda naf-hurka ah ee ay ugu adeegayaan Qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xamsa, ayaa sheegay in shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS, ay laf-dhabar u yihiin hirgalinta siyaasadda iyo qorshayaasha Xukuumadda DanQaran, iyaga oo wakhti walba ku bixiya sidii loo horumarin lahaa Qarankan iyo sidii loo xoojin lahaa tayada adeegyada la gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in bishan Ramadaan ay fursad tahay, loo baahan yahay laga faa’iideysto, la isu naxariisto oo gargaar la gaarsiiyo dadkeenna ay abaaruhu saameeyeen ee tabaalaysan.