Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Daahfuray Xarunta Qaran ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT), Kuna Adkeeyay Ilaalinta Isgaarsiinta iyo Horumarinta Tiknoolojiyadda Dalka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta Qaran ee ka Jawaabista Xaaladdaha Degdegga ah ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT) oo loo diyaariyey ka jawaabista iyo ilaalinta amniga Isgaarsiinta.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in daahfurka xaruntan uu muhiimad weyn u leeyahay amniga Qaranka, maadama xiiligan ay adduunyadu u jihaysatay dhanka Tiknoolojiyadda, ayna jiraan falal amniga liddi ku ah oo ka dhaca dhanka Isgaarsiinta, taas oo ay ka jawaabi doonto xaruntani, lagana ilaalin doono macluumaadka hey’adaha dowladda iyo guud ahaan dalka.
Mudane Xamsa, ayaa guul ku tilmaamay hirgalinta xaruntan oo qaabilsan isku-duwidda iyo ka-jawaabidda amniga saaybarka, soo gudbinta dhacdooyinka amni ee ka dhanka ah Tiknoolojiyadda, iyada oo shacabka Soomaaliyeed laga wacyigalin doono khataraha kaga yimaadda dhanka Isgaarsiinta.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay la timid Qorshe lagu horumarinayo Tiknoolojiyadda dalka, kadib markii Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Wasaaradda Boostada iyo Isgaariista XFS ay soo gudbiyeen in la hirgaliyo xaruntan, taas oo shaqo weyn ka qaban doonta xaqiijinta amniga dhanka seeybarka, dhiirrgalinna u ah horumarinta kaabeyaasha Dijitaalka ah ee Qaranka.