Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Kenya u qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho, Arbaco, 29 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Kenya u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Cyprian Kubai Iringo, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa danjiraha la wadaagay guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, iyo horumarka laga sameeyay sugidda amniga guud ee dalka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhow ee Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan amniga xuduudaha iyo ilaalinta danaha ay wadaagaan labada dal.

Danjire Cyprian Kubai Iringo ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha qaabilaadda diirran, isaga oo carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda Kenya xoojinta wada-shaqeynta labada dal, si loo sugo amniga loogana hortago khataraha argagixisada.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Safiir Ku-xigeenka Kenya Mudane Ilyaas Barre Shiil.

– DHAMMAAD –

Cabdinaasir Axmed Bashiir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, XRW
E-mail: media@opm.gov.so
Tel: +252 771 770 958
Facebook: https://www.facebook.com/OPMSomalia
X (Twitter): https://x.com/somalipm
Flickr: https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/
Instagram: https://www.instagram.com/opmsomalia
YouTube: https://www.youtube.com/@opmsomalia9471
Website: https://www.opm.gov.so