Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Xilka u Kala Wareejiyay Wasiirka Cusub iyo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda, Mudane Daauud Aweys Jaamac.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa Wasiirka cusub kula dardaarmay inuu shaqadiisa ku guto hufnaan, daacadnimo iyo isla-xisaabtan, isaga oo Alle uga baryay inuu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday.

Sidoo kale, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ku ammaanay Wasiirkii hore, Mudane Daauud Aweys Jaamac, shaqadii wanaagsanayd iyo dadaalkii muuqday ee uu ka soo qabtay Wasaaradda muddadii uu xilka hayay.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa xusay in Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisku ay ka mid tahay hay’adaha muhiimka ah ee laf-dhabarta u ah shaqada Xukuumadda, isaga oo uga mahadceliyay dhammaan shaqaalaha Wasaaradda kaalinta weyn ee ay ka qaataan gudashada waajibaadka qaran.