Qatar Airways Oo Duulimmaad Ka Bilaabaysa Muqdisho
Dooxa; Axad, Deseembar 16, 2018 —Guddoomiyaha Qatar Airways, Sayid Albakar Al-baakir ayaa maanta shaaciyay in shirkaddoodu ay July 01, 2019 bilaabayso duullimaadyo toos ah oo ay uga howl gelayso magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya
Safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar, Cabdirisaaq Faarax Cali, ayaa sheegay in guddoomiyaha Qatar Airways uu qorshaan ku xaqiijiyay kulan isaga iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, maanta ku dhex maray magaalada Dooxa.
Safiir Cabdirisaaq Faarax Cali ayaa sidoo kale sheegay in ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya uu guddoomiyaha Qatar Airways uga mahadceliyay duullimaadka shirkaddoodu ay ka bilaabayso garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, sidoo kalana ra’iisul wasaaruhu uu shirkadaha iyo ganacsatada kale ee dalka Qatar u rajeeyay in ay maal gelin ku samaystaan dalka Soomaaliya.
Qorshaha Qatar Airways ay Muqdisho uga bilaabayso duullimaadyada tooska ah ayaa qayb ka ah hannaanka maal-gelinta ballaaran ee shirkadaha, ganacsatada iyo dawladda Qatar ay ku maal gelinayaan dalka Soomaaliya.
—DHAMMAAD—-
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
media@opm.gov.so
https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/
Twitter:
@SomaliPM
@HassanAKhaire
https://www.facebook.com/OPMSomalia