Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqday Xildhibaan Maxamed Mursal
Muqdisho, September 16, 2018—Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudne Xasan Cali Khayre, ayaa booqday Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamuud (Booroow) oo lagu dawaynayo Cisbitaalka Erdoğan ee magaaada Muqdisho.
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhaqaatiirta cisbitaalka ka dhagaystay warbixinta dhaawaca xildhibaan Mursal, waxa uunna ballan qaaday in dawladdu ay dadaal xooggan gelinayso wax ka qabashada caafimaadka xildhibaan Maxamed Mursal.
Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamuud (Booroow) ayaa xalay ku dhaawacmay qarax loogu xiray gaarigiisa.
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
media@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM
https://www.facebook.com/