Muqdisho, September 16, 2018—Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali khayre, oo maanta kormeer ku tegay xarunta maamulka gobalka Banaadir, ayaa kulan la qaatay guddoomiyaha gobalka, ku-xigeennadiisa iyo xoghayaha gobalka.
Guddoomiyaha gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cusmaan (Yariisow) oo kulanka ka war bixiyay ayaa sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu kala hadlay dardar-gelinta dadaallada sugidda amniga iyo fududaynta adeegyada bulshada.
Eng. Cabdiraxmaan Cusmaan (Yariisow) ayaa sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu maamulka gobalka ku dhiirri geliyay in ay sii laba jibbaaraan hir-gelinta adeegyada kala duwan ee bulshada si dhammaan bulshada gobalku ay u helaan adeeg kasta oo qayb ka qaadanaya horumarka.
Kormeerka maanta ayaa qayb ka ah hawlaha kor-joogteyna ee R’iisul wasaaruhu kula socdo shaqooyinka hey’adaha dawladda, laguna xaqiijinayo isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta, si loola socdo horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee u yaalla hay’adaha dawladda.
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
media@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM
https://www.facebook.com/