Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Guddoomiyay Shirarka Tubaha Dhaqaalaha Iyo Amniga

Muqdisho; Axad, Feberaayo 24, 2019— Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirarka tubaha horumarinta dhaqaalaha iyo amniga iyo caddaaladda oo looga hadlay Samaynta Hay’adda Maal-gelinta Ganacsiga yaryar iyo Kuwa Dhexe iyo heerka ay marayso Diiwaan-gelinta Ciidamada qalabka sida.

Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa tubta horumarinta caddaaladda iyo amniga waxa ay kusoo bandhigtay warbixin ay ka diyaarisay samaynta Hay’adda Maalgelinta Ganacsiga yaryar iyo Kuwa Dhexe.

Dhanka kale, shirka tubta amniga iyo caddaalada ayey wasaaradda maaliyaddu kusoo bandhigtay warbixin la xariirta heerka ay marayso diiwaan-gelinta ciidamada qalabka sida (Biometric registration).

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa hay’adaha iyo wasaaradaha halbeegyada ku leh tubaha waxa uu faray in ay laba jibbaaraan dadaallada ay fulinayaan ballan qaadyadii ay sameeyeen sannadkaan bilaawgiisii, si loogu guulaysto gaarista himilooyinka tubaha qaranka.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Soomaaliya 
www.opm.gov.so
media@opm.gov.so 
https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/
Twitter: 
@SomaliPM
@HassanAKhaire
https://www.facebook.com/OPMSomalia