Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul wasaare Khayre Oo Kormeeray Bangiga Dhexe Iyo Wasaaradda Maaliyadda

Muqdisho; Sabdi, Janaayo 26, 2019—Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray Bangiga dhexe iyo xarunta wasaaradda maaliyadda si loo dardar geliyo hal-beegyada ku jira tubta horumarinta dhaqaalaha ee sida gaarka ah fulintooda looga doonayo maamulka Bangiga iyo wasaaradda maliyadda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa guddoonka bangiga dhexe oo uu la kulmay waxa uu ka xog waraystay shaqooyinka ka socda bangiga iyo horumarrada la gaaray, isaga oo kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu hagaajinayo hannaanka bixinta lacagaha.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayuu ra’iisul wasaaruhu kula kulmay xarunta wasaaradda, waxa uu kala hadlay heerka uu marayo qorshaha cafinta daymaha, waxa uuna faray dardar-gelinta hannaanka dawladdu ay dib ula fal gelayso hey’adaha dhaqaalaha iyo lacagta aduunka si loogu guulaysto himilooyinka umadda Soomaaliyeed.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Soomaaliya 
www.opm.gov.so
media@opm.gov.so 
https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/
Twitter: 
@SomaliPM
@HassanAKhaire
https://www.facebook.com/OPMSomalia