Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Ku-xigeenka Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka

Washington; Sabti , April 13, 2019 –Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Washington kula kulmay ku-xigeenka Xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda, David Hale.

Kulanka ay wada qaateen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo ku-xigeenka Xog-hayaha Siyaasadda Mareykanka ayaa looga hadlay dadaallada dib-u-habaynta hay’adda dawladda Soomaaliya iyo sida ay Mareykanka uga qeyb qaadan karaan dib-u-dhiska Soomaaliya.

Labada Mas’uul ayaa sidoo kale kulankooda waxa ay iskula soo hadal qaadeen kaalinta Mareynkanka uu ka gaysanayo dadaallada dib-u-kabashada qaranka Soomaaliya.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Soomaaliya 
www.opm.gov.so
media@opm.gov.so 
https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/
Twitter: 
@SomaliPM
@HassanAKhaire
https://www.facebook.com/OPMSomalia