Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Xog-hayaha Joogtada Ah Ee Waaxda Horumarinta Caalamiga Ah Ee Ingiriiska

Washington; Sabti , April 13, 2019 –Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Washington kula kulmay xog-hayaha Joogtada ah ee waaxda horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska (DFID), Matthew Rycroft.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee qaranka Soomaaliyeed iyada oo loo marayo Tubaha Qaranka ee lagu jaan-gooyay wax-qabadka dawladda.

Kulanka ay wada qaateen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo xog-hayaha Joogtada ah ee waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Ingiriiska ayaa qayb ka ah shirar uu Ra’iisul wasaaruhu Washington kula yeelanayay mas’uuliyiin ka socdo dawlado iyo hay’ado caalami ah.

–DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Soomaaliya 
www.opm.gov.so
media@opm.gov.so 
https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/
Twitter: 
@SomaliPM
@HassanAKhaire
https://www.facebook.com/OPMSomalia