Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda DanQaran oo guddoomiyey shirka tiirka horumarinta arrimaha bulshada

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa guddoomiyey shirka tiirka horumarinta arrimaha bulshada ee Xukuumadda oo looga hadlay dardargalinta dadaallada dowladdu ku gaarsiineyso bulshada adeegyada kala duwan.

Shirka oo ay ka qeyb galeen wasaaradaha iyo hey’addaha ka shaqeeya arrimaha bulshada ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixinno ku aaddan horumarinta karaanka aadanaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa adeegga bulshada iyadoo wasaaraddaha caafimaadka, waxbarashada iyo dhallinyarada ay warbixino la wadaageen shirka.

Mudane Cabdisalaan, ayaa sheegay in tiirka arrimaha bulshadu yahay mid muhiim u ah horumarinta ummadda Soomaaliyeed, waxaanna uu faray wasaaraddaha ku shaqada leh in la dardargaliyo arrimaha la xiriirra adeegyadda dowladdu gaarsiinayso shacabkeenna si looga miradhaliyo qorshaha Qaranka.

— Dhammaad —

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya