Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo daahfuray barnaamijka Hindisaha Qaran ee lagu xoojinaayo nolosha iyo dhaqaalaha xoolo-raacatada
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa si rasmi ah maanta u daahfuray barnaamijka Hindisaha Qaran ee lagu xoojinaayo nolosha iyo dhaqaalaha xoolo-raacatada Soomaaliyeed si loo gaaro horumar waara.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ku tilmaamay barnaamijkani inuu yahay “waa cusub oo u baryay xoola-raacatada Soomaaliyeed.” Wuxuuna xusay in kastoo Soomaaliya ay leedahay in ka badan 57 milyan oo xoolo ah, isla markaana ay xooluhu soo geliyeen ku dhowaad $1 bilyan oo dollar sanadkii tegay ee 2024, haddana in abaaraha soo noqnoqda, cudurrada, nabaad guurka, iyo adeegyada daweynta oo liita ay weli caqabad weyn ku yihiin waxsoosaarka xoolaha.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Mudane Cabdisalaan ayaa xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay in nidaamka xoolo-raacatada loogu beddelo mid casri ah oo adkeysi leh isla markaana la jaanqaadi kara Qorshaha Isbeddelka Qaranka.
— Dhammaad —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/