Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre: Aan u Midowno Dawladnimada Soomaaliyeed
Muqdisho; Khamiis, Feberaayo 21, 2019 –Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta soo xiray shir waynaha soo bandhigidda iyo xaqiijinta hannaanka dhab-u-heshiinta qaran, ayaa ku baaqay in dadka Soomaaliyeed ay u midoobaan dawlad wanaagga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo wasaaradda arrimaha gudaha uga mahadceliyay dhamaystirka hannaanka dhab-u-heshiinta qaranka, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay is-waydiiyaan waxa keenay khilaafka bulshada dhan saameeyay, si looga fikiro in dadka Soomaaliyeed ay dib-u-midoobaan, isaga oo hoosta ka xariiqay in isku-duubnida qaybaha kala duwan ee bulshada ay muhiim u tahay hagaajinta dawladnimada, soo celinta sharafta iyo karaamada umadda iyo dib-u-dhiska dalka.
“Qabyaaladda iyo qaranka dumay waxaa aasaas ka ah musuq-maasuqa oo meel walba aaba iyo hooyo u ah. Kulligeen aan u midowno in aan musuq-maasuqa la dagaalno. Dawladnimada Soomaaliyeed oo isu keeni lahayd umadda Soomaaliyeed, soo celin lahayd karaamadeenna, soo dedejin lahayd dib-u-heshiisiinta, aan u midawno, dhexda u xiranno dhibbay rabtaaye aan ka wada shaqayno”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.
Shir-waynaha ayaa lagu soo bandhigay ujeeddada guud ee hannaanka dhab-u-heshiinta qaran oo noqonaya habraac la isku raacsanyahay oo gun-dhig iyo hage u noqda dhab-u-heshiin qaran, taas oo dadka Soomaaliyeed ka bogsiinaysa ayna uga gudbayaan dhibkii dhex maray, soona celinaysa is-aaminaaddii, waddaniyaddii iyo wanaaggii, xoojinaysana kalsoonida ay ku qabaan dowladnimada, isla markaana u horseedaysa horumar iyo soo-kabasho bulsho, siyaasadeed, dhaqaale iyo amni.
Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta ayaa halbeegyada ugu jira tubta siyaasadda loo dhanyahay ee la doonayo in sannadkaan ay ku xaqiijiso waxaa kamid ah horumarinta hannaanka dhab-u-heshiinta qaranka oo aasaaskiisu yahay dhaqanka Soomaaliyeed iyo Diinta Islaamka, si ugu dambayn golaha wasiirrada loo hor-geeyo loogana dhigo sharciga dhab-u-heshiinta qaran.
—DHAMMAAD—-
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
media@opm.gov.so
https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/
Twitter:
@SomaliPM
@HassanAKhaire
https://www.facebook.com/OPMSomalia