Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la kulmay Shaqaalaha Xafiiska R/Wasaaraha.

Muqdisho, March 16, 2017 :-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulan la yeeshay Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wuxuna kala hadlay dar-dar gelinta howlaha horyaala Xukuumadda oo ay hormuud u yihiin shaqaalaha Xafiisku.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn ka dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda ay ku shaqeeyaan howl-wadeenada, ku xigeenka Xog-yaha Joogtada iyo Agaasimeyaasha Waaxaha xafiiska, iyagoo sheegay in ay la shaqeyn doonaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub, si loo meel mariyo barnaamijyada uu Xukuumadda ku hoggaamin doono.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in uu ka shaqayn doono sidii ay u heli lahaayeen Shaqaaluhu xuquuqdooda, iyagana lagula xisaabtami doono shaqada ay ummada u hayaan, ayna qeyb ka tahay qorshaha isla xisaabtanka ee Dawladda.

Abdirahman Moallim Hussein 
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Soomaaliya 
Twitter: @SomaliPM