Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo kormeer howleed ku tegay xarunta Wasaaradda Warfaafinta
MUQDISHO —Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta Wasaraadda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska.
Mudane Khayre ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Xarunta Wasaaradda masuuliyiin ay ka mid ahayaeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda ahna sii hayaha Xilka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Mudane C/rixmaan Iidaan Yoonis, Agaasimaha guud & Agaasimayasha waaxyaha Wasaaradda.
Kulan ku saabsanaa is xog-wareysi la xiriiray qorshayaasha horumarineed ee Wasaaradda ayuu Raisul wasaare Khayre la qaatay Masuuliyiinta halkaas ku soo dhoweeyey.
Ra’isul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliiya ayaa kulanka ka dib kormeeray qaybaha kale duwan ee waaxyaha Warbaahinta, sida Raadiyo Muqdisho, Telefishinka Qaranka, SONNA iyo qeybo kale isagoo bogaadiyey howlaha shaqo ee warbaahinta Qaranka u heyso Ummadda Soomaaliyeed wuxuuna kula dardaarmay qeybaha warbaahinta iney xoojiyaan wacyi gelinta shacabka ee dhinacyada amaanka iyo horumarka.
Sidoo kale, Ra’isul Wasaaraha ayaa kormeeray Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka oo la degan Wasaaradda Warfaafinta, waxaana uu mid mid u dul istaagay Xafiisyada ay ku shaqeeyaan shaqaalaha Wasaaradaasi.
Kormeerka howleed ee maanta Ra’isul Wasaaraha Xukuumaddu ku tegay Wasaaradda Warfaafinta ayaa qeyb ka ah qorshayaasha isla xisaabtanka oo tiir dhexaad lama taabtaan ah u ah Siyaasadda iyo Barnaamijka ay ku shaqeyso Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Macallin Xusseen
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter: @SomaliPM