Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo xalay kormeeray qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho

MUQDISHO —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeer shaqo ku tagay degmooyinka Hodon, Xamar Weyne, Shibis iyo Cabdicasiis, isagoo ugu kuurgalay howlgalada ay ciidamadda amaanku wadaan iyo xaalada ay ku shaqeeyaan.

Sidoo kale Khayre ayaa booqday qaar ka mid ah isgoysyada gobolka Benaadir iyo xeebta liido.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa kormeerka shaqo ku weheliyay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) iyo taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Bashiir Cabdi Maxamed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, intii uu ku jiray kormeerkiisa shaqo wuxuu saraakiisha ciidanka ee wada howlgalka lagu xasilinayo amaanka Muqdisho ka dhagaystay warbixino ku saabsan xaalada guud ee Muqdisho. isagoo ku amaanay shaqada ay habeen iyo maalin u taagan yihiin iyo sida ay ula macaamilaan shacabkooda wakhtiga ay shaqada ku jiraan.

“Ciidankeenu wuxuu ku amaanan yahay sida ay ugu taagan yihiin Sugidda amnigga ugana adeegaan shacabkooda, sidaa darteed waxaaan farayaa inay laba jibaaraan dadaalka ay ugu jiraan sugidda amaanka Caasimada Soomaaliya.” ayuu yiri Mudane Kheyre.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sidoo kale la kulmay shacab iyo ganacsato ku sugnaa xeebta liido waxuuna ganacsatada ka wareystay ganacsiga habeenkii iyo amniga, isagoo ugu danbeyntii u soo jeediyay in ay laamaha amaanka kala shaqeeyaan ilaalinta nabad-galyada.


Cabdiraxmaan Macallin Xusseen
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter: @SomaliPM