Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Xukuumada Soomaaliya oo ku guuleysatay talaabadii ugu horeysay qorshaha deymaha looga cafinayo

MUQDISHO —Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay saddexdii bilood ee sanadkan 2018 ugu horeysay inay soo xareyso dakhli gaaraya 42.5 milyan oo dollar, taasoo qayb ka ah fulinta Qorshaha deymaha looga cafinayo.

Waxay talaabadan ka dhigan tahay in dowladda Soomaaliya ku guuleystay mid ka mid ah shuruudaha barnaamijka SMP2 oo sahlaya in deymaha IMF laga cafiyo.

Sanadkan gudihiisa ayaa dowladda Soomaaliya looga fadhiyaa inay ku buuxiso shuruudaha kale u harsan ee Barnaamijka SMP2, kaasoo ah jidkii deymaha looga cafin lahaa.

Wasiirka Maaliyadda C/raxman Ducaale Beyle ayaa sheegay iney wax badan u suura galeen 3-dii bil ee la soo dhaafay, isla markaana ay rajeynayaan inta dhiman inay ku guuleystaan.

Raisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre ayaa kormeer shaqo iyo bogaadin ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda dalka, ka dib guusha ay wasaaraddu ka soo hoysay dakhliga gudaha sadexdii Bilood ee la soo dhaafay.

Raisul wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa madaxda Wasaaradda Maaliyadda ka dalbaday inay xoogga saaraan ururinta Canshuuraha Barriga, si dowladu ay isku filnaasho dhinaca dhaqaalaha ah u gaarto.

Wasiir Maaliyada Somalia C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa tilmaamay inay si habsami leh u socoto howsha canshuuraha, isagoo xusay in amaanta ay mudan yihiin shaqaalaha ku howlan arrinkaasi.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay si xowli ah diirada u saareysay sare u qaadida Dakhliga gudaha oo la doonayo inuu kor uga koco sidii uu ahaa, taasoo hadda lagu guuleystay.


–DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Soomaaliya 
www.opm.gov.so
media@opm.gov.so 
Twitter: @SomaliPM