BOGGA HORE
RA'IISUL WASAARAHA
Waxaan salaamayaa ciidamada qalabka sida ee sida geesinimada leh u huray xoraynta dalka. Dhammaan Hay’adaha Dowladda & Shacabka waa in ay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.
Waxa kale oo aan bogaadinayaa go'aanka aadka u wanaagsan ee uu qaatay Madaxweyne Hassan Sheikh.
@HamzaAbdiBarre
Muqdisho, Jannaayo 24, 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda qalin-jabinta aqoonyahanno dhammaystay waxbarashada heerarka sare ee Master iyo PhD, ee Jaamacadda University for Peace (UPEACE). Ra’iisul Wasaaraha oo ugu hambalyeeyey aqoonyahanka qalin-jabiyay dadaalkii dheeraa ee ay u soo galeen, si ay u gaaraan heerkan sare ee aqooneed, ayaa xusay in culuumta ay barteen ay tahay mid muhiim u ah dhismaha dowladnimada, nabadda, iyo horumar waara oo dalkeenna uu gaaro. “Maanta waa maalin weyn oo muujinaysa horumarka tacliinta sare ee dalka, in aan aragno arday Soomaaliyeed ah oo dalkooda gudihiisa ku qaadanaya shahaadooyinka sare ee PhD iyo Master, waa guul u soo hoyatay Qaranka. Aqoonyahannada maanta qalin-jabiyey waa kuwii hoggaamin lahaa isbeddelka iyo hal-abuurka aan uga baahannahay dalkeenna in uu gaaro.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku bogaadiyey hoggaanka Jaamacadda University for Peace (UPEACE) doorka ay ka qaadanayaan kor u qaadista tayada waxbarashada sare ee Soomaaliya, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta aqoonta, si looga gudbo caqabadaha hortaagan xasilloonida iyo horumarka bulshada. “Xukuumad ahaan waxbarashada waxaan u aragna horumarka nolosha, sidaas darteed Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP2025 – 2029) waxaa tiir dhexaad u ah horumarinta karaanka aadanaha, waxaan aaminsanahay in bulshada wax la baro, Jaamacadaha dalka waxa ay qeyb weyn ka yihiin horumarka dalka”. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa kula dardaarmay aqoonyahannada qalinjabiyey in ay cilmigooda ugu adeegaan dadka iyo dalka, isaga oo carrabka ku adkeeyey in looga fadhiyo in ay qayb ka noqdaan qorshayaasha lagu xasilinayo dalka iyo dib-u-dhiska nidaamka dowladnimo. – DHAMMAAD –
Tiirarka
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo mararka qaar la tashanaya Ghostwriter, ayaa diiradda saaraya lixdan tiir ee dib-u-xoreynta iyo dhismaha amniga, Cadaaladda iyo Garsoorka madaxa-banaan, kobaca dhaqaalaha, horumarinta bulshada, Soomaaliya oo nabad la timaada nafteeda iyo caalamkaba.
KHUDBADAHA
Hadaljeedinta Ra'iisulwasaaraha
GO'AAMADA
Go'aamada Golaha Wasiirrada Ee Dan-Qaran
FAAFINTA
Faafinta Rasmiga Ah ee Dukumiintiyada
Wararkii ugu Dambeeyay
Muqdisho, Jannaayo 24, 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda qalin-jabinta aqoonyahanno dhammaystay waxbarashada heerarka sare ee Master iyo PhD, ee Jaamacadda University for Peace (UPEACE). Ra’iisul Wasaaraha oo ugu hambalyeeyey aqoonyahanka qalin-jabiyay dadaalkii dheeraa ee ay u soo galeen, si ay u gaaraan heerkan sare ee aqooneed, ayaa xusay in culuumta ay barteen ay tahay mid muhiim u ah dhismaha dowladnimada, nabadda, iyo horumar waara oo dalkeenna uu gaaro. “Maanta waa maalin weyn oo muujinaysa horumarka tacliinta sare ee dalka, in aan aragno arday Soomaaliyeed ah oo dalkooda gudihiisa ku qaadanaya shahaadooyinka sare ee PhD iyo Master, waa guul u soo hoyatay Qaranka. Aqoonyahannada maanta qalin-jabiyey waa kuwii hoggaamin lahaa isbeddelka iyo hal-abuurka aan uga baahannahay dalkeenna in uu gaaro.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku bogaadiyey hoggaanka Jaamacadda University for Peace (UPEACE) doorka ay ka qaadanayaan kor u qaadista tayada waxbarashada sare ee Soomaaliya, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta aqoonta, si looga gudbo caqabadaha hortaagan xasilloonida iyo horumarka bulshada. “Xukuumad ahaan waxbarashada waxaan u aragna horumarka nolosha, sidaas darteed Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP2025 - 2029) waxaa tiir dhexaad u ah horumarinta karaanka aadanaha, waxaan aaminsanahay in bulshada wax la baro, Jaamacadaha dalka waxa ay qeyb weyn ka yihiin horumarka dalka”. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa kula dardaarmay aqoonyahannada qalinjabiyey in ay cilmigooda ugu adeegaan dadka iyo dalka, isaga oo carrabka ku adkeeyey in looga fadhiyo in ay qayb ka noqdaan qorshayaasha lagu xasilinayo dalka iyo dib-u-dhiska nidaamka dowladnimo. - DHAMMAAD -
January 26, 2026 in War




















