Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

TIIRKA 5aad: HORUMARINTA ARRIMAHA BULSHADA

5.1 ARRIMAHA BULSHADA

Xukuumaddu waxa ay higsanaysaa in dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan fursado siman oo Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, iyo horumar ka dhaqaalaha.

Ayadoo mudnaanta koobaad ay xukuumaddu siinnayso arrimaha sugidda aminga iyo yagleelidda garsoor madax bannaan, haddana waxa aan ka shaqayn doonnaa fududaynta helitaan adeeg asaasi ah oo si siman loo gaarsiiyo shacabka, gaar ahaan danyarta, hooyada, dhallaanka iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Sidaas daraadeed, xukuumaddu waxa ay xoogga saari doontaa in dhammaan degmooyinka laga xoreeyay argagixisada la gaarsiiyo adeegyo bulsho oo deg deg ah sida, dhismaha golayaasha deegaanka, hay’adaha amniga iyo garsoorka taas oo horseedi doonta dib-udhiska maamullada degaannada iyo soo-celinta kalsoonida ay shacabku ku qabaan dowladnimada.

Xukuumaddu waxa ay xal waara u keeni doontaa dhibaatooyinka qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadiisa ku baahsan, iyadoo looga faa’iidayn doono qorshayaasha ay dowladdu u dajinayso dib-u-xasilinta iyo dib-u-dhiska dagmooyinka iyo gobollada dalka.

5.2 ARRIMAHA DEEGAANKA

 Hiigsiga Xukuumaddu waa in la xakameeyo abaaraha iyo musiibooyinka dabiiciga ah ee dalkeenna ku soo laa-laabta. Deegaanku wuxuu asaas u yahay nolosha bulshada iyo horumarka dalka. Deegaankeenna wuxuu wajahaya caqabado farabadan sida nabaaad guurka, burburka dhulka, xaalufka, isbadelka cimilada, iyo dabar go’a noolaha kala duwan. Xukuumadda waxaa ka go’an inay muhiimad gaar ah siiso arrimaha ilaalinta deegaanka sida jaridda dhirta, ilaalinta qashinka, sunta lagu shubo badda iyo la tacaalidda saamaynta isbadelka cimilada (fatahaadaha iyo abaaraha).

Waxaa dadka Soomaaliyeed dhibaato ku haya abaaro iyo masiibooyin dabiici ah oo si joogta ah ugu soo laalaabta deegaannada dalka intiisa badan. Sida aynu la wada soconno waxaa maanta dalkeennu wajahayaa abaar ba’an oo barakicisay kumanaan dad ah, xaalufisay dhulkii, dishayna xoolo badan, waxaana innagu soo food leh fatahaado laga yaabo in ay barakiciyaan dad badan oo kale. Kaalmada ugu badan ee Soomaaliya la siiyo ayaa lagu sheegaa in ay ku baxdo howlaha gargaarka hasa yeeshee waxaa aad u yar barnaamijyada abuuri kara xal waara oo looga baxo abaaraha soo noq-noqday. Xukuumaddaydu waxa ay ka shaqayn doontaa gacan siinta dadka ay abaaruhu saameeyeen, waxayna u diyaar garoobi doontaa ka hor tagga fatahaadaha iyo daadadka laga yaabo in ay dhacaan xilliyo roobaadka soo socda.

Xukuumaddu waxa ay hawlgalin doontaa Xarunta Degdegga ah ee Qaranka (National Emergency Operation Centre) oo loogu tala-galay in ay isku xirto dhammaan howlaha gurmadka u baahan ee ka abuurma masiibooyinka dabeeciga iyo kuwa bini-aadan-ba. Xaruntan waxay xoojin doontaa awoodda dowladdu ay kaga jaawabayso qataraha bulshada ka soo gaara  musiibooyinka dabiiciga ah.

Halbeegyada Hortabinta leh:

  1. Midaynta Dadaaladda Maaraynta Masiibooyinka iyo Xaaladaha Bini’aadinnimo.
  2. Curinta hindisayaal shaqo abuur Qaran.
  3. Horumarinta waxbarashada, tacliinta sare iyo tiknoolajiyadda.
  4. Horumarinta adeegga caafimaadka ee asaasiga ah.
  5. Ilaalinta deegaanka iyo yaraynta saamaynta arrimaha isbedelka cimilada.
  6. Horumarinta biyaha iyo tamarta.
  7. Horumarinta kartida aadanaha iyo wacyi galinta bulshada.
  8. Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.
  9. Ilaalinta xuquuqda aadanaha.