TIIRKA 6aad: SOOMAALI HESHIIS LA AH DUNIDA
Siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya waxaa saldhig u ah ilaalinta madax bannaanidda iyo siyaadada dowliga ah. Xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka caalamka waxa uu ku salaysnaanayaa ilaalinta danaha u adeegaya qaranimada, jiritaanka iyo midnimada ummadda soomaaliyeed. Xukuumaddu waxa ay xoojineysaa doorka aan ku leenahay Ururrada dowliga ah iyo kuwa goboleed oo ay ka mid yihiini Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, IGAD, OIC, iwm. Sidoo kale waxaan diirad gaar ah saari donnaa xoojinta xiriirka ganacsi, maalgashi iyo horumar ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Xukumaddu waxay horumarineysaa xiriir iyo siyaasad dibedeed oo ku qotonta dhowrista cahdiyada caalamiga ah ee Soomaaliya qayb ka tahay, deris wanaagga, faragalin la aanta, iyo nabad ku wada noolaanshaha iyadoo la ilaalinaayo gobanimmada, madax bannaanida, iyo midnimadda danaha dalka, iyo dadka Soomaaliyeed. Xiriirkaasi wuxuu noqonayaa mid isu dheelli tiran oo ay ka wada faa’iidaysanayaan Soomaaliya iyo dunida kale.
Waxaa kale oo la xoojin doonaa xiriirka Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee wadamada adduunka ku kala nool, iyada oo awooddooda dhaqaale iyo siyaasadeed looga faa’ideysanayno in ay sii xoojiyaan xiriirka ka dhaxeeya wadamadaas ay joogaan iyo Soomaaliya.
Halbeegyada Hortabinta leh:
- Xoojinta siyaasad miisaaman oo ku qotonta danaha dalka.
- Horumarinta xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah.
- Xoojinta xiriirka jaaliyadaha Soomaaliyeed.