TIIRKA 1aad: DIB-U-XORAYNTA IYO SUGIDDA AMNIGA
Halbeegyada hortabinta u leh Barnaamijka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre waxaa ugu horreeya dib-u-xoraynta deegaannada ay ka dhaq-dhaqaaqaan kooxaha argagixisada iyo xaqiijinta Soomaaliya amni ah, xasilloon oo gaarta nabad waarta.
Amnigu waa udub dhexaadka nolosha, la’aantiisana lama gaari karo wax horumar ah, sidaas awgeed, sugidda amnigu waa waajibka mudnaanta koobaad leh ee saaran dowladda, waana midka Wasaaradaha iyo Hay’adaha amniga lagula xisaabtami doono. Annagoo tixgalinayna wax alla wixii dadaal ahaa ee horay loo qabtay ayaan haddana waxaan abbaari doonnaa dhabbihii lagu heli lahaa dalka oo amni ah, xasilloon, xorna ka ah argagixiso, colaad, iyo dulmi.
Hadafka Xukuumaddu waa in ay xaqiijiso in muwaadin kasta oo soomaaliyeed uu xor ka noqdo cabsi iyo khatar ku timaadda naftiisa, maalkiisa, sharafkiisa, xuquuqdiisa iyo xorriyadiisa taas oo ay u siman yihiin dadka oo dhan. Dhanka kale, Xukuumaddu waaxay xil iska saaraysaa xaqiijinta nabadgalyo ka hirgasha dalka oo idil, (bad iyo barri,miyi iyo magaalo), nabaddaas oo cirib tirta cabsi iyo dulmi.
Wasaaradaha kala duwan ee Xukuumaddayda iyo Hay’adaha Dowladdu waxay hirgalin doonaan adeeg hufan oo dalka u horseeda isbaddal amni wanaagsan. Xukummadda waxaa dhaqan u noqon doona wax qabad, waxaana lagu qiimayn doonaa horumarka aan ka gaarno dib u xoreynta iyo sugidda amniga dalka.
Wasaaradaha, Hay’adaha amniga iyo saraakiisha u xil saaran howlaha sugidda amniga waxaa la fari doonaa in ay dajiyaan siyaasad amni oo qaran, qorshe iyo istraatiijyado wax ku ool ah oo qeexaya shaqada sugidda amniga ee dalka. Siyaasadda amniga waa in diiradda lagu saaraa gaaritaan siyaasad xasiloon, tayaynta ciidamada qaranka, helista xog iyo xuuraan looga hortegi karo falalka amni darro ee lidka ku ah shacabka, lana fulinayo barnaamijyo dib u xorayn ee deegaannada ay joogaan argagixisadu.
Tiirka Dib-u-xoraynta iyo Sugidda Amniga waa tiir ka mid ah tiirarka saldhigga u ah Barnaamijka Xukuumadda iyo Qorshaha Horumarinta Qaranka. Tiirkani wuxuu hormuud u yahay hagidda, isuduwida, la socodka, iyo qiimeynta qorshaha dib u xoreynta iyo sugidda amniga dalka. Sidoo kale Tiirku wuxuu xoojinayaa dib-u-dhiska iyo tayaynta hay’adaha amniga ee labada heer ee dowladda (Federaal iyo Maamul Goboleed), wuxuuna si dhow u la shaqeynayaa
wasaaradaha, hay’adaha dowladda iyo beesha caalamka.
Tiirku wuxuu xoojiynayaa hannaanka korjoogteynta wasaaradaha ay ku leeyihiin hay’adaha hoos yimaada.
Xukuumaddu waxay ka shaqayn doontaa in la sameeyo dadaaal dheeri ah oo lagu abaabulayo qeybaha kala duwan ee bulshada. Waxaa waajib ah in madaxda heerarka kala duwan ee dowladda (Federaal iyo Maamul Goboleed), ururrada bulshada, haweenka, dhalinyarada iyo culimaa’udiinka, dhammaantood ay si wadajir ah isaga kaashadaan fulinta qorshaha dib u xoreynta, sugidda amniga iyo xasilinta dalka oo dhan.
Waxaan ogsoonnahay in amni-darrada ka jirta dalka ay kala saameyn badan tahay marka la eego degaannada dalka, sidaa darteed waxaan xoogga saari doonaa in meelaha nabadda ah la sii xoojiyo, meelaha aan nabadda ahayna laga shaqeeyo sidii nabad looga dhigi lahaa.
Xukuumaddu waxay muhiimad gaar ah saaraysaa qoondeynta dhaqaale ku filan howlaha dib u xoraynta gobollada dalka iyo sugidda amniga guud ee dalka. Isla markaasna, Xukuumaddu waxa ay meelmarin doontaa qorshayaal lagu go’doominayo cadowga, kuwaas oo ka saameyn doona dhanka dhaqaalaha, isu socodka, xakamaynta hubka iyo ilaalinta xuduudaha.
Xukuumaddu waxay la shaqayn doontaa Culimada Soomaaliyeed si loo hirgaliyo wacyigelin bulsho oo ka jawaabaysa fasiraadaha qaldan ee argagixisadu ay ka bixiyeen diinteenna suuban, gaar ahaan, arrimaha la xiriira amniga iyo xasilinta dalka. Wacyigelintaas waxay si gaar ah u abbaari doontaa da’yarta Soomaaliyeed, si ay uga feejignaadaan afkaarta lidka ku ah xasiloonida iyo falalka abuuri kara amni-darrada.
Halbeegyada Hortabinta leh:
- Dib u-eegista Siyaasadda Amni ee qeexaysa istraatiijiyadaha iyo qorshayaasha lagu hagayo amniga qaranka.
- Dib u habaynta Hay’adaha amniga si ku salaysan heshiis Bulsho iyo sharci.
- Dardar-gelinta hawlihii socday ee dib-u-habaynta Ciidamada Qaranka iyo hay’adaha korjoogtaynta amniga iyo difaaca.
- Dejinta iyo Dib u eegista Shuruucda Hay’adaha amniga qaranka iyo shuruucda la xiriira.
Diyaarinta iyo gudbinta warbixinnada amni ee Golaha
- Amaanka Qaramada Midoobay iyo qaraarrada la xiriira.
- Qorshayaasha Xukuumadda ee Dib-u-xoraynta iyo Xasilinta Dalka.
- Qorshayaasha Xukuumadda ee la dagaallanka iyo ka hortagga argagixisanimada iyo xagjirnimada (pcve).
- Qorshayaasha Xukuumadda ee hirgalinta qaraarrada Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.