Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qeyb galay kulanka isku duwidda hawlaha nidaamka Caafimaadka Soomaaliya

Muqdisho, December 12, 2022:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa sheegay in aan la aqbali karin hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed in ay u dhintaan daryeel la’aan caafimaad.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay kulanka isku duwidda hawlaha nidaamka caafimaadka Soomaaliya iyo xuska maalinta caalamiga ah ee yoolka caafimaadka, ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ku dadaaleyso in dalka laga xoreeyo Khawaarijta, lana sugo amniga, si dalka oo dhan ay uga billaabato nolol bulsho oo wanaagsan.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ballan qaaday in xukuumaddu ay deegaannada cadawga laga xoreeyo geyn doonto adeegyada aasaasiga ah ee shacabku dowladda uga baahan yihiin oo uu ugu horreeyo adeeg caafimaad.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in xukuumaddiisu ay ku dadaaleyso in dalka laga xoreeyo Khawaarijta, lana sugo amniga, si dalka oo dhan ay uga billaabato nolol bulsho oo wanaagsan, waxuuna ballan qaaday in ay deegaannada cadawga laga xoreeyo la geyn doono adeegyada aasaasiga ah ee shacabku dowladda uga baahanyihiin oo uu ugu horreeyo adeeg caafimaad.

—-DHAMMAAD—-

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
Media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia