๐๐ผ๐น๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ช๐ฎ๐๐ถ๐ถ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ ๐บ๐ฒ๐ฒ๐น-๐บ๐ฎ๐ฟ๐ถ๐๐ฒ๐ ๐ต๐ฒ๐๐ต๐ถ๐ถ๐๐๐ผ ๐ฑ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐ ๐๐ต๐ถ๐ถ๐บ ๐ ๐ฎ๐ต
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ ๐ณ, ๐ฆ๐ฒ๐ฝ๐๐ฒ๐บ๐ฏ๐ฒ๐ฟ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ Ku Simaha Raโiisul Wasaaraha, ahna Raโiisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey shirka golaha Wasiiradda, kaasi oo laaga hadlay xaaladaha amni ee dalka, iyada oo la ansixiyey heshiisyo iyo is-afgaradyo ay dowladda Soomaaliya la gashay Ethopia iyo Turkiga.
Heshiisyada goluhu ansixiyey ee ay galeen ayaa ku saabsan dhinacyada Ganacsiga, Iskaashiga Arrimaha Difaaca iyo Waxbashada Tacliinta sare.
Sido kale golaha ayaa ansixiyey soo jeedintii Wasaaradda Maaliyadda ee habraaca maamulka Guddiga Isku-dhafka Wasaaradeed ee bixinta qandaraasyadda dowladda.
Shirka Golaha Wasiirrada ayaa looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka Wasaaradaha Gaashaadhigga iyo Amniga Gudaha oo soo bandhigay howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu xoreynayey isla markaana lagu xasillinayey dalka.
Golaha ayaa bogaadiyey guulaha is daba jooga ah ee ay ciidamadu ka gaarayaan furimaha dagaalka ee cadowga lagu baacsanayo, wuxuuna goluhu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay dalka u leedahay dabargoynta kooxda Khawaarijta ah in loo midoobo.
#OPM
#SifeyntaKhawaarijta
#SooqaboKhawaarijka
#hakaharinhowgalka
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐ โ
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia