๐ฅ๐โ๐๐๐ฆ๐จ๐ ๐ช๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐ ๐ซ๐๐ ๐ฆ๐ ๐ข๐ข ๐๐๐๐๐๐ฌ๐๐ฌ ๐ซ๐จ๐ค๐จ๐จ๐ค๐๐ ๐ฆ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ฌ๐ข ๐ก๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ฌ๐ข ๐๐ข๐ฅ๐ข๐ก๐ง๐ข ๐ค๐๐๐ ๐ข ๐๐๐๐๐ก
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ ๐ฌ๐ด, ๐๐๐๐น๐๐ผ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo sii wada kulamada la xisaabtanka Wasaaradaha, ayaa maanta suโaalo ku saabsan waxyaabaha u qabsoomay iyo kuwa u qorsheysan wax ka weydiiyey Wasaaradda Korontada iyo Biyaha.
Wasiirka Wasaaradda Korontada iyo Biyaha Mudane Jaamac Takhal Cabbaas, iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradda ayaa si faah-faahsan Ra’iisul Wasaaraha ugu soo bandhigay mashaariicda kala duwan ee wasaaradda uga hirgalay ballanqaadkii Xukuumadda Dan-Qaran ee la xiriira halbeegyada Horutabinta leh adeegyada aas-aasiga ah.
Raโiisul Wasaaraha ayaa ku boorriyey masuuliyiinta wasaaradda in mashaariicda tamarta iyo biyaha ee ay maalgeliyaan hayโadaha caalamiga ah ay noqdaan kuwo ay si toos ah uga faaโiidaystaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in Xukuumadda Dan-Qaran ay ahmiyad gaar ah siinayso in bulshadu ay helaan biyo nadiif ah iyo koronto qiimo jaban.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku adkeeyey masuuliyiinta wasaaradda in dhammaan deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta la gaarsiiyo adeegyada aas-aasiga ah ee dowladda, waxa uuna faray Wasaaradda in mudnaan gaar ah la siiyo ceelashii biyaha, maadama ay khawaarijtu ka burburiyeen.
โDHAMMAADโ-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia