๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎโ ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ณ๐ธ๐ฎ ๐ซ๐๐ธ๐๐๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ ๐๐ฎ๐ฎ ๐ถ๐ป ๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ ๐น๐ฎ๐ด๐ฎ ๐ฑ๐ต๐ถ๐ด๐ผ ๐ฐ๐ฎ๐ฎ๐๐ถ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐๐ณ๐ฟ๐ถ๐ธ๐ฎ ๐๐ด๐ ๐ฎ๐บ๐ป๐ถ๐ด๐ฎ ๐ณ๐ถ๐ถ๐ฐ๐ฎ๐ปโ
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ ๐ญ๐ด, ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ท๐ผ, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏ—Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in lagu guuleystey sugidda amniga caasimadda Muqdisho, taas oo sare u qaadday kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladdooda.
Raโsul Wasaaraha oo guddoomiyey shirka amniga caasimada, kaas oo looga hadlay dardargelinta sugidda amniga Muqdisho ayaa intaas ku daray in Xukuumadda #DanQaranย oo ka duulaysa Tiirka Amniga iyo Dib u Xorreynta ay qaadday tallaabooyin wax ku ool ah oo suuragaliyay in nolosha shacabka, ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha uu si weyn u hagaago.
Raโiisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in guulaha la gaarey ay ka mid tahay in magaalada si buuxda la isugu furo, taasi oo masuuliyiinta Qaranka ku dhiirrigelisey in ay tagaan degmo kasta oo gobolka Banaadir ka tirsan, talaabadaas oo aan macquul ahayn muddo ka hor.
Raโiisul Wasaaraha ayaa saraakiisha hayโadaha amniga ku ammaanay dadaallada ay wadaan ee lagu xasillinayo amniga caasimada, isagoo tilmaamay in hadafka Xukuumadda Dan-Qaran uu yahay in magaalada Muqdisho laga dhigo caasimadda ugu amniga badan qaaradda Afrika, wuxuuna faray in ay dadaalkooda sii laban-laabaan.
โDHAMMAADโ-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
https://www.flickr.com/people/opmsomalia/
instagram:
opmsomalia