Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐˜€๐—ถ๐—ถ๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—บ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐˜† ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ง๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ-๐—ธ๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ธ๐—ฎ, ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ ๐—–๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ, ๐—ค๐—ถ๐—ถ๐—บ๐—ฒ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐—ง๐—ฎ๐—น๐—ผ-๐—•๐—ถ๐˜…๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ก๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐—ป๐˜๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ค๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ

๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ, ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—ท๐—ผ ๐Ÿญ๐Ÿฏ, ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฏ–Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Tira-koobka, Soo Celinta, Qiimeynta iyo ka Talo-Bixinta Nidaaminta Hantida Qaranka.

Raโ€™iisul Wasaaraha oo muhiimadda siinaya badbaadinta iyo soo celinta Hantida Qaranka ee ay lahayd Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya ka hor 1991, ayaa magacaabay Guddi ka kooban 8 xubnood oo ka shaqeeya soo celinta hantida dowladda, kuwaas oo kala ah;

1.โ€‹Mudane Abshir Cumar Huruuse โ€“ Wasiirka Arrimaha Dibedda – Xubin
2.โ€‹Mudane Dr Cilmi Maxamuud Nuur โ€“ Wasiirka Maaliyadda – Xubin
3.โ€‹Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi โ€“ Wasiirka Ganacsiga – Xubin
4.โ€‹Mudane Ismaaciill Cabdiraxmaan Sh. Bashiir – Wasiirka Howlaha Guud – Xubin
5.โ€‹Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) – Gud. Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho- Xubin
6.โ€‹Mudane Dr Cismaan Cilmi Guuleed โ€“ Garyaqaanka Guud ee Qaranka – Xubin
7.โ€‹Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada – Xubin
8.โ€‹Mudane Xirsi Jaamac Gaani โ€“ Wasiiru Dowlaha Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha โ€“ Xubin

Soo celinta hantida Qaranka ayaa loo kala hormarinayaa duruufaha loo qabo in lagu fuliyo adeegyada Bulshada ama baahida ay dowladu u qabto inay ku fuliso shaqo Qaran.

Waajibaadka Guddigan ayaa noqonaya:

1.โ€‹Tirakoobka Hantida Hayโ€™adaha Dowladda, sida Wasaaradaha, Hayโ€™adaha madaxa-bannaan ee Dowladda dhexe iyo Dowladaha Hoose.
2.โ€‹Soo celinta Hantida Qaranka ee sida sharci darrada ah loo heysto.
3.โ€‹Qiimeynta xaaladaha ay ku sugan yihiin Hantida Qaran ee la tirakoobay.
4.โ€‹Ka soo talo bixinta nidaaminta Hantida Qaranka ee la soo celiyay iyo sida ugu habboon ee loogu adeegsanaayo danta guud.
5.โ€‹U soo gudbinta Raโ€™iisul Wasaaraha warbixin dhammeystiran ee geeddi-socodka soo celinta Hantida Qaranka.

โ€“DHAMMAADโ€”-

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
Flickr
instagram:
opmsomalia