๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ธ๐ ๐ ๐ถ๐ด๐ฒ๐ฒ๐ป๐ธ๐ฎ ๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ ๐ฐ๐ฎ๐ฎ๐๐ถ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ฑ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐ธ๐ ๐๐ผ๐ผ ๐ฑ๐ต๐ฎ๐๐ฒ๐ฒ๐๐ฒ๐ ๐๐ฎ๐ณ๐๐ถ ๐ต๐ฒ๐ฒ๐ฟ ๐๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ฎ๐ต ๐ผ๐ผ ๐ธ๐ฎ ๐๐ผ๐ฐ๐ฑ๐ฎ ๐๐๐ต๐ผ๐ฝ๐ถ๐ฎ
๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ ๐ณ, ๐ฆ๐ฒ๐ฝ๐๐ฒ๐บ๐ฏ๐ฒ๐ฟ, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฏโ Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Salax Axmed Jaamacย ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey dhiggiisa dalka Ethiopia, Mudane Dekeme Mekonnen Hassan iyo wafdi oo uu hoggaaminayo.
Wafdiga ka socda dalka Itoobiya ayaa u yimid caasimadda Muqdisho sidii ay wada hadallo ku dhisan danaha labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashi dhinacyada kala duwan ee u dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Raโiisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa xusay muhiimadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta.