Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: โ Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta oo lagu horumarinayo tayada waxbarashada dalka.
Raโiisul Wasaaraha, ayaa sheegay in horumarinta waxbarashadu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo mustaqbal wanaagsan, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siinayso casriyeynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada.
โManhaj tayo leh waa saldhigga waxbarashada, Xaruntani waxa ay noqon doontaa goob muhiim u ah horumarinta aqoonta jiilasha soo koraya,โ Ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Mashruucan cusub ee lagu dhisayo dhaqaalaha dowladda ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran, ay ku xoojinayso adeegyada bulshada, gaar ahaan waxbarashada, si loo dhiso bulsho aqoon leh oo la jaanqaadi karta isbeddellada casriga ah.
Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in xaruntani ay isku xiri doonta waxbarashada iyo ardayga iyada oo ujeedku yahay u adeegidda mustabalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay dib-u-dhisi doonto dhulkii heyโaddaha dowladda taasi oo shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay banneeyaan guud ahaan xarumaha dowladda maadama ay u baahantahay in danta guud loogu shaqeeyo.
– DHAMMAAD –
Cabdinaasir Axmed Bashiir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha, XRW
E-mail: media@opm.gov.so
Tel: +252 771 770 958
Facebook: https://www.facebook.com/OPMSomalia
X (Twitter): https://x.com/somalipm
Flickr: https://www.flickr.com/photos/opmsomalia/
Instagram: https://www.instagram.com/opmsomalia
YouTube: https://www.youtube.com/@opmsomalia9471
Website: https://www.opm.gov.so