Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Afhayeenka Xukuumadda ayaa dhaawaciisa loo qaaday dalka dibeddiisa

Afhayeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa dhaawaciisa loo qaaday dalka dibeddiisa, waxaana ku sigootiyey Garoonka Aaden Cadde Wasiirka Ganacsiga, howlwadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo qaar kamid ah madaxda Warbaahinta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay balanqaaday in dowladdiisu ay dadaal ku bixin doonto soo kabasha dhaawaca Afhayeenka oo shalay qof naftii halige ah la beegsaday Qarax.

  • Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Liibaan Cabdi Cali oo ka warbixiyey dhaawaca Afhayeenka ayaa sheegay in xaaladdiisu ay soo hagaagayso, haatana loo qaadayo dalka Turkiga si halkaas loogu sameeyo daaweyn dheeraad ah.