Doorashada kuraasta Xildhibaannada Gobollada Waqooyi ee Somaliland oo la soo gabagabeeyey
Muqdisho Feb, 21 2022–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka qeyb galay gebogebada doorashada Xildhibaannada labada aqal ee dalka ku matalaya Gobollada Woqooyi ee Somaliland ayaa hambalyeeyay xildhibaannada ku soo baxay kuraastii u danbeeyey.
Doorashada Xildhibaannada labada Gole ku matalaya Gobollada Waqooyi oo ka kooban 11 Aqalka Sare ah iyo 46 Golaha Shacabka ah ayay doorashadoodu ku soo dhammaatay si guul ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay guddiyada doorashada Somaliland (SEIT) iyo Heer Federaal howsha adag ay qabteen iyo in ay doorashada ku soo dhammeeyeen ka hor xilligii loo asteeyay, isagoo dowlad-goboleedyada ku boorriyay inay doorashada xildhibaannad deg deg u soo gebagabeeyaan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dhammaan dhinacyadii kaalinta ka qaatay qabsoomidda doorashada Gobollada Waqooyi, waxuna Ilaahay uga baryay 57da Xildhibaan ee la doortay in uu xilkooda u fududeeyo.