Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Dowlada Somalia oo beesha caalamka horgeysay qorshe ciidamada XDS ku buuxinayaan kaalinta AMISOM

MUQDISHO —Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda federaallka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta guddoomiyey kulan dowladda Soomaaliya ay ugu soo bandhigtay beesha caalamka qorshaha dowladu amniga dalka ugala wareegeyso ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Waxaa sidoo kale kulanka ka qeyb galay masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, Wakiilada QM iyo Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya, Madax ka socotay dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya iyo xubno kale.

Kulanka waxaa si hufan loogu sharaxay qorshaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed AMISOM ugala wareegayaan amaanka dalka, iyadoo dhinacyado badan laga eegayo, waxaan goobta ku sugnaa khabiiro ku taqasusay howlaha ammaanka oo Soomaali iyo ajnabi isugu jira.

Raisul Wasaare Kheyre ayaa kulanka ka sheegay in qorshahan ay soo diyaarisay dowladda Soomaaliya la isla ogolaaday, isla markaana beesha caalamka ay u arkeen mid ku yimid rabitaanka dowladda Soomaaliyeed uuna mudan yahay in la isla qaato.

“Muddo bil ku dhow waxaa la diyaarinayey qorshahan la xiriira sidii ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed  ay xilka amniga kula wareegi lahaayeen, waana markii ugu horeysay oo aan soo diyaarino qorshe aan anagu leenahay” ayuu yiri Raisul Wasaaraha dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh ayaa sheegay in qorshahan uu muhiim u yahay hanaanka kala guurka ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia, isla markaana iminka wixii ka dambeeya loo gudbi doono dhaqan gelintiisa.

Ciidamada AMISOM oo dowlada ka taageerayey dhinaca amaanka muddo ka badan 10 sano ayaa isu diyaarinaya iney ka baxaan dalka ka dib qaraar ka soo baxay sanadkii hore golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana dowlada oo arrintaas ka duuleysa ay wadaa qorsheyaal tiro ahaan iyo tayo ahaanba lagu xoojinayo ciidamada Xoogga dalka si ay amniga dalka gacanta ugu dhigaan marka ay dalka ka baxaan ciidamada AMISOM oo si qeyb qeyb ah dalka looga saari doono labo sanadood ee soo socota sida qorshuhu yahay.


Cabdiraxmaan Macallin Xusseen
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter: @SomaliPM