Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Dowladda Oo Xaqiijisay Inay Bukaanno Kale u Geeriyoodeen Cudurka COVID-19

Muqdisho, Arbaco, April 15, 2020— Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay inay geeriyoodeen sedax qof oo kamid ah dadkii uu gudaha dalka ku helay cudurka COVID-19, taas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 5 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa warbxinta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in sidoo kale la diiwaan geliyay labaatan xaaladood oo cusub. Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaaray 80 xaaladood.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ugu baaqday dadka Soomaaliyeed inay si saxan u qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta cudurka maadaama uu si xawaare leh dalka ugu faafayo, muhiimna ay tahay in laga wada shaqeeyo bed-qabka umadda.

Dowladda Soomaaliya oo daryeelka bulshada uu u yahay muhiimadda Koowaad ayaa dadaal xooggan ugu jirta xakameynta cudurkaan COVID-19 ee dhibaatada badan ku haya caalamka.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Youtube
Twitter:
@SomaliPM
@HassanAKhaire
Facebook:
OPMSomalia
HassanAliKhaire
instagram:
hassanakhaire
opmsomalia