Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Soo Saaray Go,aano Muhiim Ah

Muqdishu 2 march 2023 —Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre soo saaray go’aamo muhiim ah oo looga hortagayo dhibaatooyinka ay la kulmaan Muwaadiniinta ku shaqeysta Bajaajta.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay magacaabista Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib U Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka KMG oo ka kooban 5 xubnood, kaas oo ay soo jeedisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Sidoo kale waxaa Goluhu maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Daawada iyo Badqabka Cuntada iyo laba heshiis oo dowladda Soomaaliya ay la gaartay dowladda Qatar, kuwaasi oo ku saabsan Iskaashi dhinacyada warbaahinta, hiddaha iyo aqoonta.

—DHAMMAAD—-

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir

Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW

Farxaan Maxamed Jimcaale

farhan.jimale@opm.gov.so

media@opm.gov.so

Muqdisho, Soomaaliya

www.opm.gov.so

Twitter:

@SomaliPM

Facebook:

OPMSomalia

instagram:

opmsomalia