Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Golaha Wasiirradda Oo Ansixiyay Hab-raaca Hoggaanka Hubka Iyo Rasaasta Ciidanka Xoogga Dalka

Muqdisho; Khamiis, Agoosto 27, 2020—-Golaha wasiirrada xukuumadda xil gaarsiinta dalka, ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku meel mariyeen hab-raaca hoggaanka hubka iyo rasaasta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda difaaca dalka.

Hoggaanka Hubka iyo Rasaasta Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa qeyb ka ah hoggaannada muhiimka u ah shaqooyinka CXD, waxaana habraaca maanta la ansixiyay oo qeyb ka ah qorshaha dib-u-habeynta ciidanka uu sare u qaadayaa hufnaanta iyo horumarinta awoodda ciidanka si ay ugu guuleystaan dadaallada xoreynta guud ahaan dalka iyo nabad dhisidda si mawaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan amni buuxa.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa guddoomiyay shirka golaha oo sidoo kale looga hadlay amniga dalka, xaaladda COVID-19 iyo dayn cafinta.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Youtube
Twitter:
@SomaliPM
@KhadarGulaid
Facebook:
OPMSomalia
Mahdi M. Gulaid
instagram:
opmsomalia