R/Wasaare Rooble “Innagoo xusuusaneyna dhacdadii 14ka Oktoobar, waa in aan isu kaashannaa nabadda iyo xoojinta dowladnimada”.
Muqdisho Oktoobar 14, 2021–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xusay dhacdadii murugada lahayd ee qaraxii bahalnimada ahaa ee 14-kii Oktoobar 2017, oo ay ku shahiideen muwaadiniintii ugu badnaa ee mar qura argagixisadu dilaan.
Weerarkaas aragagixiso oo maanta laga joogo afar sano ayuu Ra’iisul Wasaaruhu Alle uga baryay muwaadiniintii naftooda ku waayay in uu jannadiisa firdows ka waraabiyo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Qaraxii bahalnimo ee 14-kii Oktoobar uu astaan u ahaa arxan darrida argagixisada Alshabaab ee aan u naxayn shacabka, kana been sheegaya diinta.
“Innagoo xusuusaneyna walaaleheennii ku waxyeelloobay weerarkaas waxshinimo, waa in aan isu kaashannaa in uusan nagu soo noqon xanuunkan oo kale, kana shaqeynaa nabadda iyo xoojinta dowladnimada”.
Eng. Rooble ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in la xusuusto dadkii naftooda ku waayay, loona duceeyo walaalihii ku dhaawacmay iyo kuwii ku hanti beelay.