Khubadda Ra’iisul Wasaare Rooble ee Kulanka Beesha Caalamka ee arrimaha Abaaraha
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo khubad ka jeediyey shir ku saabsan xaaladaha abaaraha ka jira dalka oo uu la yeeshay wakiillada beesha caalamka, ayaa ku boorriyay in deg deg loogu soo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.
khubadda Ra’iisul Wasaaraha qeybta Hoose ka akhriso
Marka hore waxaan idiinkaga mahadcelinayaa ka soo qeyb galkiinna shirkan muhiimka ah ee aan uga hadleyno arrimaha gurmadka abaaraha aadka u daran ee dalkeenna ka jira. Anigoo idiinkaga mahadcelinaya taageerada joogtada ah ee aad la garab taagan tihiin dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Waxaan maanta halkan idiinkugu casuumay in aan idinla wadaago xaaladda abaareed ee ka sii dareysa ee ka jirta gobollada Soomaaliya oo dhan, taas oo u baahan gurmad iyo tallaabooyin deg deg ah oo wax looga qabanayo.
Dalka waxaa ka jirta abaartii ugu ba’neyd ee soo marta wixii ka dambeeyay macluushii 2011-kii. Saddex xilli roobaad oo is xiga ayaa baaqday, taas oo keentay in ay xoolihii iyo beerihiiba ba’aan.
Waxay abaartu saameysay ku dhawaad 6.9 Milyan oo qof, in ka badan 9.5 Malyan oo xoolo ah. In ka badan 2.6 Milyan oo qof wajahaya biyo la’’aan aad u daran.
Ku dhawaad nus milyan qof ayaa maalmihii la soo dhaafay abaarta darteed u barakacay deeganno ka mid ah Galmudug, Koofur Galbeed iyo Jubaland
Dadku waxaa ka dhammaaday xoolihii , beerana warkood daa.
Waxaa si weyn u yaraaday biyihii ceelasha, waxaana deegaannada qaarkood lagu soo wariinayaa dad u dhintay oon. Haddii xaaladdu sidan ku sii socoto waxaa hubaal ah in ay xuub siiban doonto macluul galaafata nolosha dad badan oo Soomaaliyeed.
Xukuumaddeydu waxa ay dhammaadkii sanadkii tagay ku dhawaaqday in dalku ku jiro xaalad bani’aadminimo oo deg deg ah, waxaan ka codsaday caalamku in ay u soo gurmadaan shacabka Soomaaliyeed ee abaarta la daalaa dhacaya.
Waxaan abuurnay Guddi Gurmad Qaran oo ay qeyb ka yihiin qeybaha kala duwan ee bulshada. Waxaanna qabannay shirweyne qaran oo gurmadka abaaraha ku saabsan oo ka dhacay isla goobtan.
Baaqyadeennii gargaar dalabka ahaa, waxaa iyagoo mahadsan ka soo jawaabay dalal iyo hay’ado kala duwan oo soo diray gargaar aan u sii gudbinnay deegaannada ugu daran dalka ee abaartu ka jirto.
Mahad gaar ah ayaan u jeedinayaa dalalka iyo hay’adaha ilaa hadda gurmadka nala soo gaaray, waxaanse caddeynayaa in baaxadda abaarta iyo baahida jirtaahi ay aad uga weyn tahay inta na soo gaartay iyo itaalka Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Sidaas darteed waxaan mar kale idinka codsanayaa in aad deg deg ugu soo gurmataan dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso, si looga hortago macalluul keenta geeri wadareed iyo xaalad bani’aadminimo oo ay adagtahay in wax laga qabto.
Waxaan codsanayaa dhaqaaq iyo gurmad deg deg ah oo hadda ah. Dib u dhac kasta oo ku yimaad gurmadka uu shacabkeennu u baahan yahay, wuxuu sababayaa dhimashada dad badan oo maanta la badbaadin karo.
Mudaneyaal iyo Marwooyin,
Anigoo mar kale idiinkaga mahadcelinaya taageeradiinna, ayaan mar kale idinka codsanayaa in aad nagu garab siisaan gurmadka dadkeenna oo wajahaya abaar aad u daran.
Mahadsanidiin