Khudbadda Ra’iisul Wasaaraha ee Xiritaanka Madasha Aragtiwadaaga ee Heritage
Khudbadda Ra’iisul Wasaaraha ee Xiritaanka Madasha Aragtiwadaaga 2021
ee Heritage
Bismillaahi Raxmaani Raxiim,
Madaxweynaha Dalka Djibouti ee aan walaalaha nahay Mudane Ismail Omar Geelle iyo Xubnaha Dowladiisa
Wasiirada iyo Xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliya
Madaxweynaha Dowlad deegaanka Somaalida ee Ethiopia, wafdiga Somaliland , Madaxweyne ku xigeenka Puntland, wafdiga Soomaaliyeed ee dalka aan dariska nahay ee Kenya iyo dhammaan marti-sharafka ka soo qeyb galay Madasha Aragti-Wadaag oo ay soo qaban qaabisay Heritage,
Dhamaantiin Asalaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.
Salaan ka dib,
- Waxaa maanta Sharaf ii ah in dowladda aan walaalaha nahay ee Djibouti iyo Machadka Heritage igu casuumaan khudbada xeritaanka shirkaan oo kulmiyay maskaxda Dadka Soomaaliyeed oo ka kalayimid Gobolkaan aan dagno iyo meelo badan oo dunida inteeda kale ah.
- Waxaan ka mahad celinaayaa taageerada iyo isgarab taagga dhinacyada siyaasadda, Bulshada iyo amniga oo ay dowladda aan walaalaha nahay ee Jamhuriyadda jibuuti ay had iyo jeer la garab taagan tahay ummadda somaaliyeed .
- Waxaa xusid Mudan Shirweynihii taarikhiga ahaa ee dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Carte, kaas oo lagu soo dhisay dowladdii ku meel gaarka ahayd ee sannadkii
- Sidoo kale Dalka Jibuuti waxaa ay dalka soomaaliya u soo dirtay Ciidamada Hiil walaal oo qeyb ka ah ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM kuwaa oo si wax ku ool ah oo ay walaalnimo ku dheehantahay uga qeybqaata nabad ilaalinta
- Sidoo kale, waxaan bogaadinayaa Madasha Aragti Wadaaga Soomaalida ee sanadlaha ah, taas oo ah madal kulmisa haldoorka Soomaalida ee dacallada dunida, gaar ahaan Geeska Africa, laguna gorfeeyo amuuraha khuseeya Soomaalida
- Waxaa waajib nagu ah, inaan ilaashanno waxyaalaha naga dhexeeya ee isku keen haya inaga oo ku kala nool xuduudo iyo calamo kala duwan hoostooda isla markaana ixtiraam iyo isfaham kula nool dadyoowga kale ee aan dan wadaagta
- Dowlada Soomaaliya waxay u taagneyd welina u taagan tahay ilaalinta qiyamka, jiritaanka iyo danaha dadka Soomaaliyeed siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo dhaqan ahaan intaba.
- Waxaan sidoo kale qirayaa in madaxweynaha, dowlada iyo shacabka Jibuuti ay waqti, maal iyo maskax badan ku bixiyeen garab istaaga dadka Soomaaliyeed deegaan kasta oo ay ka soo jeedaan. Gaar ahaan xiligii adkaa ee ay burbursaneyd dowladda Soomaaliyeed ee bud-dhiga u aheyd matalaada iyo iskuheynta dadyowga
- Haddii aan u soo laabto shirkan oo aan si dhow ula socday maalmihii la soo dhaafay, waa mid ku soo beegmay wakhtigiisa. Gobolkan waxaa ka jirey deganaansho la’aan siyaasadeed oo u baahan in siqoto-dheer looga doodo si loo fahmo, xal waarana loo
- Sida jadwalka shirka ka muuqata waxaa shirweynahan lagu lafo guray arrimaha ka aloosan Geeska Africa oo ay Soomaalidu tiro ahaan tahay qoowmiyadda labaad ee ugu tirada badan. Iyadoo ay xusid mudan tahay in Soomaalidu joqoraafi ahaan ay gobolka uga nooshahay goobaha hawlbowlaha u ah dhaqaalaha iyo xiriirka
- Dhibaatooyinka gobolka waxaa kaloo sabab u ah heerka faqriga ee bulshooyinka, dhaqaalaha oo aanan laheyn koboc joogto ah, masiibooyin dabiiciya oo soo noqnoqday, shaqo la’aan baahsan iyo argagaxiso diinta Islaamka si qaldan u
- Si kastoo ay u jiraan caqabadaha aan kor ku soo xusey, haddana waxaan hoosta ka xariiqayaa in Soomaali ahaan, aan haysanno fursadda ugu fiican ee Geeska Afrika, haddii aan si wada jir ah uga shaqeeyno xal u helida
- Aniga oo ka duulaya dareenka dadka halkaan jooga iyo guud ahaan dadyowga Soomaaliyeed ee ku aadan xaalada dalka uu haatan ku sugan yahay, waxaan idinla wadaagayaa in xaalada doorasho eedalka ay mareyso meel Inkastoo ay jiraan tabashooyin la xiriira daahfurnaantadoorashada.
- Si aan tabashooyinkaas wax uga qabano, waxaan qaaday talaabooyin dhowr ah oo lagu saxayo qalaladaadka ka jira hufnaan iyo daahfurnaan la’aanta doorashada. Talaabooyinkaas waxaa ka mid:
- La tashiyo aan la yeeshey golaha wadatashiga qaranka, si looga arinsado tabashooyinka soonoqnoqdey,
- xoojinta madaxbanaanida guddiyada soo xulida ergada doorashada,
- adkeynta madaxbanaadida guddiyada doorashooyinka iyo ku dhaqanka habraacyada doorashooyinka ee lagu heshiiyey,
- fursad in la siiyo goobjoogayaasha wadaniga ah iyo kuwa heer calamiba;
- Anagoo ka jawaabeeyna dareenka dadka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan musharaxiinta, tixgelineeynana soo jeedinta saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ee ku saabsan hufnaanta doorashada, waxaan qabaneeynaa shir ay yeelanayaan madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka laguna martiqaadayo golaha midowga musharaxiinta iyo bulshada rayidka.
- Si doorashadaanu u noqoto mid ku dhamaata nabadgelyo, dalkana u horseeda xasilooni siyaasadeed, waxaan ugu baaqayaa dhamaan mas’uuliyiinta dalka ee saameeynta ku leh doorashada, in aan ka wada shaqeeyno in doorashadu noqoto mid daahfuran, lagu kalsoonaan karo oo sharciyad siin karta hay’adaha
Gunaanadka:
- Marka xaaladdu adkaato waxaa ugu haboon in lagu dhaqmo waa waxa heshiis lagu yahay sida aan kabartay Xeer “Xeer Waa Xakamo”. Marka ay noqoto siyaasadda loo dhan yahay iyo xuquuqaha asaasiga ah, waxaa taasna u dawo ah qodobka aan ugu jecelahay Xeer Ciise oo ah “Ciise waa Ciise ninna caaro ma dheera”.
Mahadsanidiin