RA”IISUL WASAARE ROOBLE IYO MADAXWEYNE ISMAACIIL CUMAR GEELLE OO WADAHADALLO KU YEESAHY JABUUTI
Jabuuti, Diseembar 15, 2021: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadallo labo geesood ah ku yeeshay caasimadda dalkaas ee Jabuuti.
Labada Hoggaamiye ayaa wadahadalladooda diiradda ku saaray danaha ay labada dal wadaagaan, xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dhinac iyo dardargelinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya Labada shacab.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyey Walaalkiis Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, shacabka iyo dowladda Jabuuti marti gelinta shirka Madasha Aragti Wadaagga ee Heritage oo kulmisay boqolaal ka mid ah aqoonyahanka iyo hoggaanka dadka Soomaaliyeed, si loo darso duruufaha iyo mustaqbalka dadkeenna.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa Dowladda Jabuuti uga mahadceliyay kaalinta ay ciidamada Hiil Walaal ka qaataan nabadgelyada dalka iyo dib u soo kabashada Soomaaliya, taasi oo ka tarjumaysa sida ay Dowladda Jabuuti diyaar uga tahay garabsiinta walaalahooda Soomaaliyeed.
“Waa maalin taariikhi ah oo xaqiiqatan ka tarjumaysa xiriirka labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah. Waa inaan xoojinno iskaashiga dhanka dhaqaalaha iyo wax wada qabsiga. Arrinta ugu muhiimsan waa iskaashiga arrimaha amniga iyo la dagaallanka qolooyinkan argagaxisada ah.”
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaareen dib u dhiska dalka iyo xoojinta dowladnimada, waxa uuna sheegay in ay garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed
—DHAMMAAD—-
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Youtube
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia