R/Wasaare Rooble oo suxufiyiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 3-da May oo ah Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa suxufiyiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 3-da May oo ah Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ammaanay kaalinta muhiimka ee saxaafadda iyo howsha adag ee wariyeyaashu u hayaan bulshada ee ah wargelinta iyo bidhaaminta xaqiiqooyinka jira.

“Warbaahinta Soomaaliyeed waxay kaalin laf dhabar ah ku leedahay sare u qaadista wacyiga bulshada, soo bandhigista xaqiiqooyinka jira iyo waxbarista bulshada, waxayna ku soo shaqeysay duruufo adag, taas oo ay mudan tahay in lagu bogaadiyo”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirigeliyay saxafiyiinta in ay sii wadaan shaqada muhiimka ah ee ay dalkooda u hayaan, isagoo xaqiijiyay in ay lama taabtaan tahay xorriyadda saxaafadda oo ah mid ay shuruucda dalku damaanad qaadayaan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa guulo iyo horumar joogto ah u rajeeyay wariyeyaasha iyo guud ahaan bahda saxaafadda Soomaaliyeed.