Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo maanta qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
Muqdisho, Arbaco, 15 Janaayo 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Maxamed El-amine Souef oo ay ka wada hadleen arrimo la xiriira hawlgalka Midowga Afrika.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Iskaashi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika, iyo howlgalka cusub ee taageerridda iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo bedalaya ATMIS, iyada oo danjire Souef uu xusay in Midowga Afrika si buuxda uga taageerayo dowladda Soomaaliyeed ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Midowga Afrika uga mahadceliyey taageerrada naf-hurnimada leh ee uu la garab joogo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna caddeeyey sida ay dowladda uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo kooxaha Khawaarijta ah ee isku soo bahaystay in dalkeena ay nabadda u diidaan.
– Dhammaad –
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya