Skip to content Skip to main navigation Skip to footer

Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda oo qaabilay agaasimaha bangiga Adduunka ee Somalia

Muqdisho, Axad, 02 Maarso, 2025: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Rwanda iyo Uganda Mr.Qimiao Fan, oo booqasho ku yimid Muqdisho.

Kulanka ayaa diirradda lagu saaray xoojinta xiriirka wada shaqayneed iyo  horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo taageerada Bangiga Adduunka ee ku aaddan dhinacyada dowlad-dhiska, maamul wanaagga iyo sii wadista mashaariicda horumarineed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Bangiga Adduunka uga mahadceliyey kaalinta ay ku leeyihiin dib u habaynta dhaqaalaha dalka iyo taageerada kala duwan ee dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo mashaariicda gargaarka.

==Dhammaad==

Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya